Kabtankii hore ee xulka Holland Marco Van Bomel ayaa la taliyay saxiixa cusub ee kooxa Man United Memphis Depay.
Xidigan dhalinta yar waxay Man United xagaagan 30-milyan oo euro ah kaga soo iibsatay naadiga PSV sidoo kalena waxaa saaran cadaadis weyn aisgoo looga fadhiyo inuu Old Trafford bandhig wanaagsan kusoo kordhiyo.
Hadaba Van Bommel oo qabiir ah sidoo kalena waqti wanaagsan lasoo qaatay kooxaha PSV, Barcelona, Bayern Munich iyo AC Milan ayaa Memphis Depay la taliyay.
Wuxuuna Van Bommel yiri “Memphis Depay waan ku kalsoonahay inuu si wanaagsna ula qabsan karo Man United madaama ay macalin Van Gaal xagaagii hore koobii aduunka ka wada shaqeeyeen”
“Wey u sahlaneed inuu Man United usoo dhaqaaqo waayo meel macalinkaaga joogo cabsi qaba qabeesid”
“Aadbay u adag tahay in la sadaaliyo tayadiisa xili hore waxaa u baahan tahay xidigo garbaha ku wanaagsan sida Cristiano Ronaldo, Arjen Robben, Franck Ribery, Lionel Messi iyo Neymar inaad cabir ku sameesid ka hor inta aadan De Pay cabirin waayo marxaladan oo kale ayay dhamaantooda soo mareen”
“Markii uu Holland joogay wax walbo weu u sahlanaayeen balse haatan naadi weyn ayuu ku biiray waxaana laga rabaa inuu la qabsado jawiga hareerihiisa sidoo kalena uu dadaal badan sameeyo”
“Waa xidig tayo wanaagsan laakiin ma dhihi karo waa Messi-ga cusub sida ay saxaafada iska qorto laakiin waan ku kalsoonahay inuu mustaqbal wanaagsan Depay ka horeeyo”