Home » Maxaa Cusub » Marco Verratti Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Cayaareed Iyo Wararka Sheegaya Inuu Serie A-da Ku Laaban Doono

Marco Verratti Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Cayaareed Iyo Wararka Sheegaya Inuu Serie A-da Ku Laaban Doono


verratti

22-jirka khadka dhexe kaga cayaaro naadiga PSG Marco Verratti waxaa su’aalo culus weydiiyeen qaar k mid ah saxaafada Talyaaniga xili uu xulkiisa tababar la qaadanaayay.

Marwalbo waxaa la hadal hayaa laacibkan gaabinta badan inuu dib ugu soo laaban doono Serie A-da waxaana lala xariiriyaa kooxo dhowr ah oo ay ugu horeyso naadiga Juventus wuxuuna arinkan ka yiri.

“Aadban ugu faraxsanahay ka mid ahaan shaha Paris sidoo kalena waqti fiican ayaan halkaas ku qaadanayaa”

“Marka ma jirto sabab aan Serie A-da dib ugu soo laabto marba hadii aan kooxdeyda wax walbo ku heesto”

“Waa run cayaaryahan walbo oo reer Talyaani ah inuu jecel yahay ka cayaarista Serie A-da balse aniga France waxaan u joogaa inaan waaya aragnimo ka helo”

“Sidoo kalena xiligan ima haayo hilaaw aan dib ugu soo laabto Talyaaniga waayo aadban ugu faraxsanahay nolosha aan ku qaadanayo Paris”

Dhanka kale xidigan ayaa meesha ka saaray inuu badal u noqo karo mustaqbalka Andrea Pirlo wuxuuna sheegay inuusan haatan taagneyn heer uu booska Pirlo buuxin karo madaama uusan ku wax qabad ahayn ruug cadaa Pirlo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>