Home » Horyaalada » France League I » Marco Verratti Oo Niyad Jabiyay Kooxahii Ku Raad Joogay: “Waxaan Doonayaa Inaan Sii Joogo PSG”

Marco Verratti Oo Niyad Jabiyay Kooxahii Ku Raad Joogay: “Waxaan Doonayaa Inaan Sii Joogo PSG”


Marco

Kubad sameeyaha da’da yar ee kooxda Paris Saint Germain Marco Verratti ayaa ka dhawaajiyay inuusan niyada ku heynin qorshe uu kaga tagayo kooxdan ka dhisan magaalada Paris.

Wiilkaan reer talyaani wuxuu ku koray garoonka Parc des Princess tan iyo markii uu 12 Malyan Oo Euro kaga soo biiray kooxda Pescara sadex sano ka hor.

Sida ay tilmaameen warbixino horay looga qoray arinta xidigaan kooxaha Arsenal, Juventus, Bayern Munich iyo Real Madrid ayaa xidigaan si ba’an u doonayay waxaana xidigaan lagu qiimeeyaa aduun dhan 30 Malyan Oo Euro.

“Waan ku faraxsanahay halkaan” Ayuu Verratti u sheegay Telefoot, “Waxaan kalsooni buuxda ka heystaa macalinkeyga, ciyaartoyda iyo dhamaan kooxda” ayuu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale Marco waxaa aad u jecel Carlo Ancelotti oo ku sugan Madrid iyadoo dhibaato dhexda ah ay haatanba ka jirto kooxdaas.

Ugu dambeyntiina Verratti ayaa niayda ka jabiyay dhamaan kooxaha doonayay madama uu baaqi kusii ahaanayo halkaas.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>