Weeraryahanka Liverpool Mario Balotelli ayaa raali galin ka bixiyay fariin la sheegay inuu xidigaan ku aflaagaadeeyay Yuhuuda, inkastoo isaga uu ku micneeyay inuu kala jeeday kaliya inuu ka hadlo cunsuriyadda.
Isniintii ayey aheyd inuu soo galiyay fariin bogga uu ku leeyahay Insagram-ka inkastoo fariintaas loo arkay inuu yuhuuda wax kaga sheegay waxaana FA-ga ay ku dhawaaqeen iney baaritaano ku sameynayaan isla markaana uu ganaax dhan shan kulan muteysan doono xidigaan reer talyaani.
24-jirkaan ayaa ah xidig looga diiwaan galiyay horyaalkaan Ingiriiska dhacdooyin aan wanaagsaneen ka hor inta uusan ka tagin 2013, inkastoo uu sanad kadib dib ugu soo laabtay markii 16 Malyan uu ku yimid Liverpool Xagaagan.
Halista laga sheegay Fariintaan ee laga dhex arka hadal aflagaado ku ah Yuhuuda waxey aheyd inuu xidigaan yiri: “Waxaan u boodaa sida qof madow, una lacag jeclahay sida Yuhuuda”
Si Kastaba Balotelli ayaa bogiisa twitter-ka kusoo qoray raali galin uu ku micneeyay inuusan hadalkaas kala jeedin inuu Yuhuuda ku aflagaadeeyo balse uu kaliya diirada ku saarayay Cunsuriyadda.
Mario Balotelli ayaa sheegay kaliya inuu kala jeeday kaftan, balse haatan uu gartay xaalada ay ku abuuri karto dadka ay kasoo horjeedo warbixinta, ma jiro Mexican shaarib dheer, mana jiro Afrikaan booda sare sameeya sidoo kalana Ma Jiro Yuhuud lacag jecel, waana ka xumay mar labaad.