Weeraryahanka Liverpool Mario Balotelli ayaa u dabaal dagay goolkii furitaanka kulanka Manchester Derby kas oo uu saxiixay Sergio Aguero, walow kooxda difaacaneysa horyaalka afar gool loogu badalay.
Balotelli ayaa twitter-ka kusoo qoray :”Haaa city, Aguerosergiokun!!! 1-0, Old Trafford… istaaga korna u qeyliya” isagoo ula jeeday jamaahiirta Citizen.
Inkastoo xamaasada Balotelli ay la xiriirto naceybka uu u qabo Manchester United, sidoo kalana uu horay uga tirsanaan jiray Manchester City, sheeko uusan ogeyn ayaa kasoo hoos baxday taasoo ah in kooxdiisa Liverpool ayba dan ugu jirto guuldarada City.
Liverpool oo kulan gacanta ku heysata ayaa todoba dhibcood u jirta kooxda City, waxeyse afar dhibcood u jirsaneysaa hadii ay caawa garaacdo Newcastle.
Si kastaba Balotelli ayaa noqday shimbirtii isku dayday iney buulkeeda dab ku dhajiso, balse wiilasha United ayaa ka badbaadiyay taasoo nooleeyay wali rajada Liverpool ay ka leedahay Champions League iney usoo baxdo.