Weeraryahanka reer Jarmal Mario Gotze oo badal kusoo galay kulan saaxiibtinimo oo ay Bayern Munich la cayaartay naadiga Inter Milan ayaa guusha kooxdiisa siiyay.
Kulan xiisaha badan ee ka dhacay dalka China waxay Inter iyo Bayern soo bandhigeen qaab cayaareed aad u wanaagsan.
Gotze aya guusha Bayern siiyay cayaarta oo ka harsan 10-daqiiqo wuxuuna xidigan jebiyay daafaca Inter Milan oo kulan si wanaagsan u diyaarsanaa.
Waxaana si gaar ah kulan kan loo amaanay wada shaqeynta ay muujiyeen labada daafac ee kooxda Inter Milan Murillo and Rannochia.
Weliba daafaca reer Colombia Murillo oo Inter xagaagan kusoo biiray si wacan ayuu kulankan kaga baxsaday inkastoo qaybtii hore markii uu dhameestay dhaawac soo gaaray.
Bayern Munich kulankan waxay heshay balse fursado badan waxaa iska qasaariyeen Thomas Muller iyo Robert Lewandowski.
Bayern ayaa kulan guusha ku qaadatay 1-0 waana kulankii labaad oo ay guuleesato safarka ay dalka China ku joogto madaama ay cayaarteedii kowaad 4-1 kaga badisay naadiga Valencia.
Madaama Bayern labadii kulan oo ay cayaartay ay badisay waxayna ku guuleesatay tartanka Audi Summer Tour of China.
Xaqiiqada kulankan:
Bayern Munich: Neuer (Ulreich 46) – Benatia (Steinhart 73), Boateng (Rafinha 59), Alaba – Alonso (Kimmich 46) – Costa (Rode 59), Lahm (Hojbjerg 40), Thiago (Gaudino 67), Bernat – Müller (Götze 46), Lewandowski (Green 73)
Inter Milan: Handanovic (Carrizo 46) – Montoya, Ranocchia, Murillo (Juan Jesus 41), Dimarco (Longo 55) – Brozovic (Nagatomo 70), Kovacic (Baldini 70), Kondogbia – Hernanes (Popa 70) – Palacio (Andreolli 55), Icardi (Delgado 60)