Weeraryahanka dhalinta yar Mario Gotze ayaa siweyn usoo dhaweeyay fursada uu kooxda Juventus xagaagan ku aadayo.
Xidigan tayada wanaagsan bilawgii bishan ayuu sheegay inuu ka xanaaqsan yahay xaqiraada uu macalin Pep Guardiola ku haayo iyo doorkiisa Bayern inuusan muuqanin.
Sidaa darteed Gotze wuxuu diyaar u yahay inuu ka faa’iideesto xiisaha ay u qabto kooxda Juventus oo haatan baadi goob ugu jirto kubad sameeye tayo wanaagsan.
Gotze oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Juve waa naadi awood badan cayaar cayaar kuma imaanin Finalaha Champion-ka”
“Sanad walbo waa koox ku guuleesato koob caalami ah sidaa darteed waa arin aan soo dhaweenayo inay xiiso ii qabto”
“Balse weli ma jiraan xiriir toos ah oo aan wada sameenay ama dalab ay Juve u dirtay kooxeyda Bayern Munich”
“Sidoo kale inaan ka cayaaro dibada waxaan ka heli doonaa waaya aragnimo dheeraad ah, luqad cusub ayaan baran doonaa iyo dhaqan cusub”
Waxaa la hadal hadal hayaa in Gotze uu qayb ka noqon doono qorshaha Arturo Vidal uu naadiga Bayern ku aadayo sidoo kalena macalinka Juventus Massimiliano Allegri ayaa siweyn u doon doonayo saxiixa Gotze.