Home » Maxaa Cusub » Mario Kempes Oo Ka Hadlay Farqiga Haatan U Dhaxeeya Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo

Mario Kempes Oo Ka Hadlay Farqiga Haatan U Dhaxeeya Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo


Dou Best Players

60-jirka xulka Argentina guulo taariikhi ah la qeebsaday Mario Kempes ayaa dhankiisa ka hadlay farqiga sii dheeraanayo ee haatan u dhaxeeyo labada xidig ee aduunka ugu wanaagsan Crisrtiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Mario Kempes ayaa si gaar ah u xusay in labadan cayaaryahan tayo ahaan ay ka sareeyaan dhamaan xidigaha kale balse wuxuu sheegay in Messi haatan laga wanaagsan yahay madaama Ronaldo uu muujinaayo inuu weli baahi u qabo gaarista guulo dheeraad ah.

“Waa inaan isla qirnaa in Cristiano Ronaldo marba marka ka dambeyso inuu sii wanaagsanaanayo waxaana ku tilmaami karaa laacib marka uu sii weynaaday sii rabo inuu guulo dheeraad ah gaaro”

“Balse Lionel Messi marshadii uu ku socday wuu qaboojiyay waxaana ugu wacan in haatan aysan ka muuqanin hami dheeraad ah inuu guulo gaaro midaasna waxay dhibaato ku noqotay kooxdiisa Barcelona oo aan haatan la tartami karin Real Madrid!”

“Haatan ma arko halistii aan Messi ku aqoon jiray waxaana oran karaa farqiga u dhaxeeyo labadan xidig ayaa ah in Ronaldo uu baahi dheeraad ah u qabo guulo shaqsiyaaeed iyo mid naadi inuu gaaro halka Messi uu gabi ahaanba hankaas heynnin!”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>