Home » Horyaalada » La Liga Spain » Mario Mandzukic Oo Diyaar U Ah Kulanka Xasaasiga Champion-ka Inuu Kooxdiisa Atletico U Safto

Mario Mandzukic Oo Diyaar U Ah Kulanka Xasaasiga Champion-ka Inuu Kooxdiisa Atletico U Safto


Mandzukic

Inkastoo weeraryahanka reer Croatia Mario Mandzukic ay jug culus soo gaaray kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisa Atletico 3-1 ku suul daartay naadiga Malaga La Ligaha Spain.

Hadana kooxda Atletico ayaa si rasmi ah u xaqiisay in weeraryahankan awooda badan uu safan karo kulanka habeen dambe Atletico ay wajihi doonto naadiga Olympiacos kana tirsan koobka horyaalada Yurub.

Kulankan xasaasiga ah Atletico ma xamili karto maqnaan shaha Mandzukic waayo macalin Semeone ayaa ka walaacsan halista kaga imaan karto kooxda reer Greece oo damac kaga jiro inay wareeg 16-aad u gudubto.

Mandzukic dhaawacan dhanka qoorta ah ayuu kasoo gaaray sidoo kalena wuxuu awoodi waayay inuu dhameesto kulankii Malaga inkastoo la badalay hadana xidigan ayaa kasoo muuqday tababarkii ugu dambeeyay oo ay kooxdiisa sameesay.

Wargeska Mundo Deportivo ayaa sidoo kale sheegay in xidigan uu taam u yahay kulanka Olympiacos sidoo kalena uu damacsan yahay inuu Atletico guul u horseedo si ay kooxdan u xaqiijiso u gudbida wareega 16-aad ee koobka Yurub ugu qiimaha badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>