Home » Horyaalada » italian Serie A » Mario Mandzukic Oo Maanta Tijaabo Caafimaad Kooxda Juventus Magaalada Turin Ugu Mari Doono

Mario Mandzukic Oo Maanta Tijaabo Caafimaad Kooxda Juventus Magaalada Turin Ugu Mari Doono


Mandzukic

Weeraryahanka naadiga Atletico Madrid Mario Mandzukic ayaa lagu wadaa inuu maanta magaalada Turin soo gaaro si uu tijaabo caafimaad kooxda Juventus ugu maro.

Xidiga reer Croatia ayaa dalabka Juventus ku qancay wuxuuna buuxin doonaa booska Carlos Tevez oo go’aansaday inuu xagaagan dib ugu laabto dalka Argentina.

Kooxaha Juventus iyo Atletico Madrid ayaa ka wada heshiiyeen qiimaha Mandzukic waxayna Juve ku wareejin doontaa naadiga reer Spain €26m.

Sky Sport Italia ayaa sheegay in Mandzukic ay wada hadleen macalinka Juve hogaamiyo Allegri wuxuuna xidigan ku qancay balan qaadka uu u sameeyay tababare Allegri.

Weeraryahankan awooda badan mudo 12-bilood ah ayuu naadiga Atletico Madrid ka tirsanaa balse waxay isfahmi waayeen macalinkiisa Diego Semeone waana sababta keentay in kooxda Atletico Madrid ay xidigan ka iibiso naadiga Juventus.

Sidoo kale Mandzukic waxaa lala xariirinaayay kooxaha Man United, Arsenal iyo Liverpool balse isaga ayaa go’aansaday inuu mustaqbalkiisa cayaareed kasii wato Serie A-da Talyaaniga.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>