Laacibka reer Belgium Marouane Fellaini ayaa ku kalsoon in kooxdiisa Man Uited ay awooda horyaalka England la wareegi karto xili cayaareedka dambe.
Xidign iyo kooxdiisa ayaa soo laba kacleeyeen haatana waxay ku jiraan kaalinta 4-aad inkastoo ay fursad wanaagsan u heestaa inay kaalinta labaad galaan madaama kooxda Man City labo dhibcood oo qura ka sareyso.
Marouane Fellaini oo la hadlaayay Daily Mail wuxuu yiri “waxaan u maleynaa sanadkan Chelsea ayaa ku guuleesan doonto horyaalka”
“Balse waan ku qasbanahay sanadka dambe inaan Chelsea booskeeda la wareegno sidoo kalena waan ku kalsoonahay in Man United EPL ku guuleesan karto xili cayaareedka dambe”
“Balse si aan hadafkeena u gaarno waa inaan si adag u shaqeyno inta ka dhiman xili cayaareedka kadibna aan xili cayaareedka dambe u tabaabusheesano”
Marouane Fellaini ayaa geeska kale culeeska ka qaady xidigaha kooxdiisa wuxuuna ka dhawaajiyay in xili cayaareedkan hadafkooda yahay inay dib ugu soo laabtaan koobka horyaalada Yurub sanadka dambe.
Sidaa darteed Fellaini wuxuu sheegay in guusha Man United ay tahayinay ku dhameesato 4-naadi ee ugu sareeyo EPL xili cayaareedkan.