Home » Maxaa Cusub » Marouane Fellaini Oo Shaki Weyn La Galinaayo Inuu Xulka Belgium U Safan aro Kulanka Ay Wales Wajihi Doonaan

Marouane Fellaini Oo Shaki Weyn La Galinaayo Inuu Xulka Belgium U Safan aro Kulanka Ay Wales Wajihi Doonaan


Fellaini

Laacibka awooda badan ee kooxda Man United ka tirsan Marouane Fellaini ayaa dhaawac hor leh soo gaaray haatan shaki weyn ayaa la galinaa inuu xulkiisa Belgium jimcada u safan karo.

Kulan ka tirsan isreeb reebka tartanka Euro 2016 waxay xulka Belgium la cayaari doonaan xulka Wales waana kulan xasaasi ah oo ay Belgium u baahan yihiin inay guuleestaan.

Marouane Fellaini ayaa la daala dhacaayo dhaawac dhanka gumaarka ah kasoo gaaaray wuxuuna awoodi waayay inuu xulkiisa Belgium la qaato tababarkii ugu dambeeyay.

Sidoo kale xulka Belgium kulankan xasaasiga ah waxaa ka maqnaan doono Vincent Kompany oo ganaax ku seegi doono cayaartan Belgium ay ku qasban yihiin inay guuleestaan.

Fellaini labo gool ayuu xulkiisa Belgium u dhaliyay kulankii saaxiibtinimo oo ay bilawgii todobaadkan 4-3 kaga badiyeen xulka France waana laacib awood badan oo inta badan xulkiisa goolal muhiim ah u dhaliyo.

Xulalka Wales iyo Belgium ayaa isla leh min 11-dhibcood 5-kulan oo ay cayaareen isreeb reebka Euro 2016 balse Belgium ayaa farqiga goolasha ku hor kacayaan qaybta B.

Hadaba guud ahaan macalinka xulka Belgium Marco Wilmots wuxuu u xusahay xidigaha hoos ku qoran kulanka Wales waxaana xusid mudan in 10-cayaaryahan oo xulkan ka tirsan inay Premiership-ka England ka cayaaraan:

Thibaut Courtois (Chelsea), Simon Mignolet (Liverpool), Jean-Francois Gillet (Catania),Toby Alderweireld (Southampton), Jason Denayer (Celtic), Olivier Deschacht (Anderlecht), Nicolas Lombaerts (Zenit St-Petersburg), Thomas Meunier (FC Bruges), Anthony Vanden Borre (Anderlecht), Jan Vertonghen (Tottenham), Nacer Chadli (Tottenham Hotspur), Kevin De Bruyne (Wolfsburg), Moussa Dembele (Tottenham), Leander Dendoncker (Anderlecht), Marouane Fellaini (Manchester United), Radja Nainggolan (AS Roma), Youri Tielemans (Anderlecht), Axel Witsel (Zenit St-Petersburg), Christian Benteke (Aston Villa), Yannick Ferreira-Carrasco (Monaco), Eden Hazard (Chelsea), Romelu Lukaku (Everton), Dries Mertens (Napoli), Kevin Mirallas (Everton), Divock Origi (Lille)

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>