Home » Maxaa Cusub » Marouane Fellaini Oo Suurtagal Ka Dhigay Bixitaanka Di Maria“PSG Wey Ku Faa’iidi Doontaa Saxiixa Angel Di Maria”

Marouane Fellaini Oo Suurtagal Ka Dhigay Bixitaanka Di Maria“PSG Wey Ku Faa’iidi Doontaa Saxiixa Angel Di Maria”


fellaini-di-maria

Xidiga reer Belgium Marouane Fellaini ayaa aaminsan in saaxiibkiis ay Man United ka wada tirsan yihiin Angel Di Maria uu naadiga PSG wax weyn ku kordhin karo hadii ay xagaagan la saxiixato.

Waxa siweyn loo sadaalinaa in Di Maria oo ku fashilmay garoonka Old Trafford inuu xagaagan naadiga PSG ku biiri doono.

Waxaana arinkan ka hadlay Marouane Fellaini oo yiri “Angel Di Maria wuxuu u noqon doontaa PSG saxiix wanaagsan waayo wuxuu ka mid yahay xidigaha aduunka ugu wanaagsan”

“Waqti wanaagsan ayuu Real Madrid lasoo qaatay sidoo kalena waqti wanaagsan Paris wuu la qaadan karaa”

“Hadii aan asiga ahaan lahaa waan aqaan waxa aan sameyn lahaa, inaan Man United joogo iyo inaan ka tago ayaan kala dooran lahaa”

Di Maria oo 27-jirkan ayaa ku guul dareestay inuu kasoo dhalaalo lacagaha 60-milyan oo pound oo ay Man United xagaagii hore ku iibsatay.

Haatana safka hore ayuu kaga jiraa xidigaha uu macalin Luis Van Gaal garoonka Old Trafford ka diri doono bilaha nagu soo fool leh.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>