Home » Maxaa Cusub » Marouane Fellaini: “Waan Ilmeeyay Markii David Moyes Laga Raacdeeyay Shaqada Man United”

Marouane Fellaini: “Waan Ilmeeyay Markii David Moyes Laga Raacdeeyay Shaqada Man United”


Fellaini

Macalinka reer Scotland ee haatan maamula kooxda Real Sociedad ayaa laga raacdeeyay shaqada kooxda Man United kadib 10 bilood oo uu kooxda u hogaamiyo xaalad mugdi ah waxeyna United ku dhameysatay kaalinta 7-aad.

Moyes saxiixii ugu horeeyay oo uu Old Trafford keeno wuxuu ahaa Marouane Fellaini kaas oo kasoo raacay garoonka Goodison Park wuxuuna ku yimid aduun dhan 27.7 Malyan Oo Pound inkastoo uu ku fashilmay inuu kooxda la qabsado.

Fellaini xili ciyaareed wanaagsan ayuu ku jiraa madama uu boos joogto ah ka helay kooxda Louis Van Gaal inkastoo Moyes uu xili ciyaareedkii ka fashilmay ku dhisay Spain.

“Waan ka xumaaday markuu baxay” Ayuu Fellaini yiri.

“Waxaa jirtay ilmo iga timid, waana wax iska caadi ah madama aan ahay beni’aadam”

Ugu dambeyntii Marouane Fellaini ayaa qiray in Moyes uu yahay shaqsi ku weyn xagiisa madama ay iskala soo shaqeeyeen.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>