Home » Maxaa Cusub » Martin Jol Oo Shaaca Ka Qaaday In Bale Qiimo Jaban Lagu Iibin Rabay Dhowr Sano Ka Hor

Martin Jol Oo Shaaca Ka Qaaday In Bale Qiimo Jaban Lagu Iibin Rabay Dhowr Sano Ka Hor


Bale

Macalinka reer Holland Martin Jol oo horey u leylin jiray naadiga Tottenham ayaa sheegay in kooxda Spurs ay hada ka hor ku sigatay inay Grathe Bale ku iibiso qiimo jaban.

Weliba Tottenham ayaa damacday inay Bale kaga samarto £5M, sheekadan xiisaha badan tababare Jol ayaa la wadaagay talkSPORT wuxuuna yir.

“Aniga ayaa ka dambeeyay in Spurs ay £7m Bale kaga soo qaadato Southampton balse isla markiiba kooxda lama qabsanin madaama garabka bidix ee daafaca laga cayaarsiiyay”

“Balse aniga waxaan rabay inaan ka cayaarsiiyo weerarka laakiin iima suura galin madaama maamulka kooxda usoo gateen baahi ka jrtay dhanka daafaca”

“Markii aan shaqada Tottenham isaga tagay oo aan kooxda Hamburg macalin u noqday waxaa ila soo xariiray gudoomiyaha Spurs Danny Levy oo wuxuuna igu yiray inaan Bale kaga iibsano £5M!”

“Balse maamulka Hamburg waxay codsadeen in amaah lagu siiyo sidaas ayuuna ku bur buray heshiiskaas”

“Nasiib wanaag Harry Redknap ayaa Tottenham la wareegay wuxuuna Bale ka cayaarsiiyay garabka bidix ee weerarka natiijadana waxay noqotay inuu noqdo laacib aad u wanaagsan maantana uu noqdo xidiga aduunka ugu qaalisan!”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>