Home » Maxaa Cusub » Martin Keown Oo La Taliyay Da’yarka Everton John Stones, Balse Chelsea Kuma Farxin Talada Halyeygaan

Martin Keown Oo La Taliyay Da’yarka Everton John Stones, Balse Chelsea Kuma Farxin Talada Halyeygaan


Keown

Halyeeygii hore kooxda kubada cagta Arsenal iyo Xulka England Martin Keown ayaa talo wanaagsan siiyay daafaca da’da yar ee kooxda Everton John Stones kaas oo la hadal hayo inuu isaga tagayo garoonka Goodison Park ee gobolka Merseyside.

John Stones waxaa isha ku haya kooxaha Man City, Man United iyo Chelsea oo dhamaantood doonaya iney soo xerogaliyaan inkastoo Blues laga diiday dalab rasmi ah oo ay gaarsiisay kooxdaan.

Martin Keown ayaa kula taliyay Stones inuu iska diido dalabyada u imaanaya isla markaana uu kusii nagaado Goodison Park inta uu ka qaan gaarayo.

Keown wuxuu aaminsan yahay in Stones uusan gaarin heer uu ugu ciyaaro kooxaha heerka sare, balse ay u wacan tahay inuu kusii qaan gaaro Everton.

Si kastaba Keown oo u waramayay 888sport ayaa qiray in xidigaan uu sanad kaliya ku sugan yahay Everton, balse uusan wali noqon nin rag ah oo dad iska dhicin kara sidaas darteed ay u wacan tahay inuu iska sii joogo gurigiisa.

Ugu dambeyntii John Stones ayaa 28-kulan u saftay kooxdiisa Everton wuxuuna xidigaan ka mid noqday xidigaha joogtada ah ee kooxda.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>