Daafaca kooxda Liverpool Martin Skrtel ayaa beeniyay inuu ku istaagay goolhaye David De Gea kulankii ay kooxdiisa guuldarada ka heshay Man United axadii.
Falkaan wuxuu dhacay sida ay qabteen kaamirooyinka waqtigii dhimashada ee kulankaas iyadoo la arkayay Skrtel oo lugta kaga taagan De Gea.
Daafacaan 30-jirka ah ee reer Slovakia ayaa isniintii lagu ganaaxay sadex kulan, balse xidigaan ayaa sheegay iney arintu aheyd shil aan loogu tala galin.
Xiriirka FA-ga ayaa maanta oo arbaco ah go’aan kasoo saari doona xidigaan waana waqtigii ay u qabteen iney shaaciyaan ganaaxiisa.
Garsoore Martin Atkinson ayaan arkin falkaan, balse muuqaladii dib loo daawaday ayaa cadeeyay in ficilka uu dhacay.
Ganaaxa Martin Skrtel ayaa ka dhigan in xidigaan uu seegi doono kulamada kooxdiisa la yeelan doonto Arsenal (4-ta April) Newcastle United (13-ka April) iyo kulanka Blacburn ee ku celiska wareega quater finalka koobka FA Cupka.
Sidoo kale Kabtan Steven Gerrard ayaa isna si lamid ah seegi doona sadexdaas kulan madama uu casaan toos ah qaatay kulankaas markii uu 38-ilbiriqsi gudahood casaan ku qaatay isna.