Suuqa Kala Iibsiga ayaan furneen, waxaana albaabada loo furi doonaa bisha January ee sanadka 2015-ka inkastoo kooxaha ay sii fiirsanayaan xidigaha ay u dhaqaaqi lahaayeen.
Waxaan idiin soo gudbin doonaa xanta suuqa iyo waxyaabahii ay qoreen wargeysyada kubada cagta, inkastoo aanan masuul ka aheyn dhabnimada wararka madama aan u xaglin doono halka aan kasoo xiganay.
Daafaca Holland Ron Vlaar ayaa ka tagi doona kooxda Aston Villa iyadoo United iyo Arsenal ay isku diyaarinayaan iney la xiriiraan wakiilka xidigaan kaas oo shaaca ka qaaday inuu xidigaan daneynayo inuu baxo.
Sida ay qortay: Daily Mirror
Koox fadhigoodu yahay dalka Mareykanka oo milkiilaha kooxda Tottenham Spurs Daniel Levy kala hadlay iibka kooxda si ay u maalgaliyaan.
Sida ay qortay: Daily Mirror
Macalin Mauricio Pochettino oo doonaya inuu 35 Malyan oo Pound kula midoobo xidighiisa Morgan Schneiderlin iyo Jay Rodriguez kuwaas oo wali aan la hubin mustaqbalkooda Southampton.
Sida ay qortay: The Sun
Liverpool ayaa u dhaqaaqday soo xerogalinta weeraryahanka kooxda Fc Porto iyo Xulka Colombia Jackson Martinez kadib markii ay dareentay dhibaato dhanka weerarka ah, waxeyna ku dooneysaa 30 Malyan Oo Pound.
Sida ay qortay: Daily Express
Chelsea oo diyaar u ah iney Manchester United kula dagaalanto saxiixyada labada xidig ee Real Madrid Raphael Varane iyo Gareth Bale kuwaas oo la hadal hayo iney kusoo jeedaan Ingiriiska.
Sida ay qortay: Daily Express
Manchester United oo dooneysa iney 19 Malyan Oo Pound ku wareejiso kooxda Atletico Madrid ee dalka Spain si ay kaga hesho daafaca reer Brazil Miranda bisha January.
Sida ay qortay: Daily Express
Arsenal ayaa markaan dooneysa iney Chelsea kula tartanto weeraryahanka reer talyaani Mattia Destro marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January.
Sida ay qortay: Daily Star
Kubad sameeyaha reer Brazil Anderson ayaa laga yaabaa inuu isaga tago kooxda Manchester United isla markaana ku biiro bisha January kooxda rer brazil ee Gremio.