Home » Europe » Champions League » Massimiliano Allegri Iyo Luis Enrique Maxay Ka Dhigaan Doonaan Midkood Hadii Uu Champion-ka Qaado!!

Massimiliano Allegri Iyo Luis Enrique Maxay Ka Dhigaan Doonaan Midkood Hadii Uu Champion-ka Qaado!!


hhhhhhhhh

Sabtiga nagu soo fool leh magaalada Berlin ayaa indhaha caalamka lagu wada jeedin doonaa madaama Finalaha Champion-ka ay isku haleeli doonaan kooxaha Barcelona iyo Juventus.

Hadaba kulankan wuxuu qaas u noqon doonaa labada macalin ee xili cayaareedkan dadaalka dheeriga ah sameeyeen Luis Enrique iyo Massimiliano Allegri.

Macalin Massimiliano Allegri hadii uu kooxdiisa Juventus koobka Yurub u qaado waxay u noqon doontaa shaqsi ahaantiisa markii ugu horeesay ee uu koobkan gacanta ku dhigo.

Sidoo kalena Allegri ayaa noqon doono tababarihii 8-aad ee reer Talyaani ah kaasi oo koobka horyaalada Yurub ku guuleesto wuxuuna ku biiri doonaa liiska macalimiinta reer Talyaani ee tartankan qiimaha badan qaadeen sida:

Nereo Rocco (AC Milan 1963 & 1969)

Giovanni Trapattoni (Juventus 1985)

Arrigo Sacchi (AC Milan 1989 & 1990)

Fabio Capello (AC Milan 1994)

Marcello Lippi (Juventus 1996)

Carlo Ancelotti (AC Milan 2003 & 2007, Real Madrid CF 2014)

Roberto Di Matteo (Chelsea FC 2012)

Dhanka kale tababare Luis Enrique isagana waxay u noqon doontaa markii ugu horeesay shaqsi ahaantiisa ee uu koobkan ku guuleesto hadii Barcelona Finalaha Champion-ka habeenka sabtiga ah badiso.

Sidoo kale Luis Enrique wuxuu noqon doonaa hadii uu Champion-ka qaado macalinkii 6-aad ee reer Spain ah kaasi oo ku guuleesto tartankan qiimaha badan.

Waxaana horey koobkan u qaadeen macalimiinta reer Spain ee kala ah:

José Villalonga (Real Madrid CF 1956 & 1957)

Miguel Muñoz (Real Madrid FC 1960 & 1966)

Vicente del Bosque (Real Madrid FC 2000 & 2002)

Rafael Benítez (Liverpool FC 2005)

Josep Guardiola (FC Barcelona 2009 & 2011)

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>