Home » Horyaalada » italian Serie A » Massimiliano Allegri Oo Si Shaqsi Ah Maamulka Juventus Uga Dalbaday In Kooxda La Keeno Oscar

Massimiliano Allegri Oo Si Shaqsi Ah Maamulka Juventus Uga Dalbaday In Kooxda La Keeno Oscar


Oscar

Macalinka kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa ka warqabo in kubad sameeye Oscar xagaagan kooxdiisa Chelsea iska diibin dooto sidoo kalena lagu doonayo qiimo dhex dhexaad ah.

Sidaa darteed macalin Allegri wuxuu maamulka Juventus ka dalbaday in xidiga reer Brazil loo soo gacan galiyo madaama uu ku haboon yahay nidaamka ay Juve cayaarto.

Tuttosport ayaa sheegay in Juve bilawgii sanadkan laga diiday dalab ku aadanaa Oscar balse Chelsea ma rabin xili cayaareedka oo meel dhexe maraayo inay xidigan iska fasaxdo.

Sidaa darteed Tuttosport ayaa daaha ka qaaday in Juventus ay ka faa’iideesan doonto xaalada uu Oscar haatan ku sugan yahay madaama lagu daray xidigaha xagaagan garoonka Stamford laga diri doono.

Waxaa la aaminsan yahay in Juventus ay heli karto Oscar hadii ay bixiso €31 million waana qiimaha ay Chelsea 3-sano ka hor naadiga Inretnacional xidigan kaga soo qaadatay.

Warbixino dheeraad ah ayaa lagu sheegay in Juve ay soo dhaweyn doonto xiriirka dhanka Juve kaga imaanayo.

Madaama ay dhankeeda dooneyso in xagaagan Paul Pogba laga iibiyo waayo xidiga reer France dhamaan kooxaha Yurub ugu caansan ayaa ku raad joogaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>