Lothar Matthaus oo ah kabtankii hore ee kooxda Bayern Munich iyo xulka Jarmalka ayaa xili xasaasi ah weerar culus ku qaaday macalin Pe Guardiola oo haatan xaalka ku xun yahay.
Lothar Matthaus ayaa sheegay in waayihii Guardiola ee garoonka Allianz uu haatan tirsamo madaama macalinkan uu lumiyay kalsoonida cayaartooydiisa waxayna Bayern haatan ku sugan tahay xaald jah wareerar ah.
Lothar Matthaus wuxuu yiri “Pep kuma haboono inuu Bayern sii hogaamiyo waa iska cadahay in qorshihiisa uu fashilmay”
“Sidoo kalena kalsoonida cayaartooydiisa ayuu lumiyay midaasna waxay soo dadajin doontaa inuu xili hore Munich isaga tago”
Hadalka Lothar Matthaus ayaa kusoo beegmayo xili Bayern Munich ay todobaadan la kulantay guuldaradii 4-aad oo xariir ah.
Waana markii ugu horeesay tan iyo markii uu Guardiola macalin noqday uu afar guuldaro oo xariir ah uu la kulmo.
Bayern Munich habeen dambe naadiga Barcelona ayay la cayaari doontaa lugta labaad ee Semi-Finalaha Champion-ka waxaana xusid mudan in todobaadkii hore Bayern 3-0 guuldaro lagu dhuftay.