Home » Horyaalada » France League I » Matuidi Oo Seegi Doona Kulamada Saaxiibtinimo Ee Albania & Sweden Kadib Dhaawac Soo Gaaray

Matuidi Oo Seegi Doona Kulamada Saaxiibtinimo Ee Albania & Sweden Kadib Dhaawac Soo Gaaray


Matuidi

Xidiga Khadka Dhexe kooxda Paris Saint Germain Blaise Matuidi ayaa weyn doona kulamada ay xulkiisa la ciyaari doonaan Albania iyo Sweden maalmaha soo aadan kadib markii dhaawac gacanta ah uu soo gaaray kulankii ay kooxdiisa 2-0 kaga badisay Marsielle Axadii.

Xulka martigalinaya Euro 2016, ayaa ciyaaraya kulamo saaxiibtinimo ah wuxuuna jimcaha kula kulmi doonaa Rennes xulka Albania, halka afar maalin kadib uu Marsielle ku qaabili doono Sweden.

Dechamps ayaa ogaaday in Matuidi uusan heli doonin labadaas kulan, wuxuuna u wacay wiilka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Olympique Lyon Maxime Gonalons.

Maxime Gonalons waxaa ugu dambeysay inuu kasoo muuqdo xulka Faransiiska November 2012, kulan ay xulkaas la ciyaareen Italy wuxuuna ahaa mid saaxiibtinimo.

Ugu dmabeyntiin Faransiiska ayaan guuldaro la kulmin tan iyo koobka Aduunka soo laabashadiisii wuxuuna ciyaaray afar kulan oo saaxibtinimo, guulo ayuu ka gaaray Spain, Portugal iyo Armenia halka uu barbaro ka helay Serbia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>