Macalinka kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa aysan wax cabsi ka qabin iney wajahdo kooxda Real Madrid semi finalka koobka horyaalada yurub todobaadka soo aadan.
Bianconerri ayaan gaarin finalka koobka horyaalada yurub tan iyo 2003 iyagoo markaas ku baxay gacmaha Milan kulan rigoorayaal la isla gaaray, balse Allegri ayaan meesha ka saarin in Juve ay reebi karto kooxda difaacaneysa horyaalka.
“Waxaan sameyn doonaa wixii aan awoodno ilaa dhamaadka, wax cabsi ah ma dareemeyno, waana xushmeyneynaa Real” ayuu yiri Allegri oo la hadlayay Sky Italia.
“Wax qaas ah ayey noo ahaan laheyd hadaan final-ka tagi laheen, waxaa jira dhaqan ah in qof walba uu doonayo inuu guuleysto” ayuu mar kale yiri.
“Sanadkaan wax fiican ayaan ka sameynay yurub, waxaan dooneynaa inaan finalka tagno, waxaan ku fakareynaa inaan garaacno Real”
Ugu dambeyntii Juventus markii ugu dambeysay oo ay ku guuleysatay koobkaan waxey ahey 19-sano ka hor sanadii 1996-dii ayeyna ku beegneed.