Home » Maxaa Cusub » Maxaa Isbadalay: Arsenal Iyo Man United Waxay Ahaan Jireen Labadi Naadi Oo Horyaalka U Tartama Balse Maanta Kaalinta 4-aad Ayay Isku Heestaan!!

Maxaa Isbadalay: Arsenal Iyo Man United Waxay Ahaan Jireen Labadi Naadi Oo Horyaalka U Tartama Balse Maanta Kaalinta 4-aad Ayay Isku Heestaan!!


000C611400000258-2842416-image-45_1416488439200

Arsenal kaalinta 6-aad ayay EPL kaga jirtaa halka Man United ay iyadana taagan tahay kaalinta 7-aad ma moodaa in qabkii labadan koox uu shiiqay.

Kulanka adag ee Emirates ka dhici doono wuxuu kusoo beegmay xili labadan koox ay kaalinta 4-aad ku dagalamayaan halka 12-bilood ka hor Arsenal ay booqatay garoonka Old Trafford ayado hogaanka horyaalka England heyso.

Mudo gaaban ayay wax walbo isku badaleen waxaana muuqato in labada koox ee ugu guulaha badan Premiership-ka England xiligan casriga ah wax walbo gacantooda ay ka baxeen.

16-sano ka hor ayaa ugu dambeesay kulan labadan naadi dhex maro horyaalka England ayagoon aan ka mid ahayan 4-naadi ee ugu sareeyo.

Lama joogo xiligii Sir Alex Ferguson iyo Arsene Wenger ay ku dagaalami jireen hogaanka EPL balse maanta runta lagama gamban karo kaalinta 4-aad ayay labadan koox hankooda la eg yahay.

Macalin Van Gaal wuxuu iska diiday in xifaaltankii labadan koox ka dhaxeyn jiray inuu meesha ka baxay wuxuuna sheegay in kooxdiisa ay kubad adag Arsenal la cayaari doonaan sido kalena uu qorshahooda yahay inay garoonka Emirates guu kusoo gaaraan.

9-xili cayaareed oo xariir ah 1995/96 ilaa 2003/04 labadan koox ayaa qeebsadeen hanashada horyaalka England weliba labadooda kaliya ayaa kowaad iyo labaad isku bad badali jireen.

Inta badana kulamada ay cayaari jireen ayaa lagu go’aamin jiray kooxda horyaalka qaadeyso.

Roy Keana oo kabtan u ahaan jiray kooxda Man United wuxuu qirtay in Arsenal ay ahayd kooxda kaliya ee horyaalka kula loolami jirtay.

“Marnaba lama kala saari karin United iyo Arsenal waxaan ahayn labo koox oo miisaan culus marwalbana kooxdii dagaalka looga guuleesto ayaa horyaalka laga qaadi jiray”

Xasuustii hore hadii aan meel iska dhigno maanta labadan koox xaalkooda waa sidee?

Macalin Luis Van Gaal wuxuu cadeeyay in kooxdiisa aysan awood u lahayn hanashada EPL wuxuuna sheegay in hadafkooda uu yahay inay ka mid noqdaan 3-naadi ee ugu sareeyo EPL marka uu xili cayaareedkan dhamaado.

Wenger isagana wuxuu si rasmi ah u sheegay in kooxdiisa aysan horyaalka sanadkan qaadi karin sidoo kalena aysan la tartami karin Chelsea.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Arsenal booskeeda 4-aad ay u dagaalami doonto sida dhaqanka kooxdan uu noqday 10-sano ee ugu dambeesay!!

SAWIRO LA XIRIIRA WARBIXINTAAN:

Manchester United's players spray champagne as they celebrate winning the Premier League title in May 2000

Wenger's men celebrate being crowned Premier League champions at Highbury back in May 1998

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>