Weeraryahanka kooxda Arsenal Yaya Sanogo ayaa cadeeyay inuu ahaa mid aan guri laheyn isla markaana ku nool wadooyinka dalka faransiiska ka hor inta uusan xidigaan usoo dhaqaaqin garoonka Emirates Stadium.
Sanogo, oo ay inta badan taagerayaasha kooxda ku majaajiloodaan ayaan wali kooxdiisa u dhalin gool caalami ah, tan iyo markii uu kooxda 2013 kaga soo biiray Auxere.
Wuxuuna kooxda Arsenal Jamaahiirteeda weydiistay iney dulqaad u muujiyaan, kadib markii uu u sheegay sheekadaan cajiibka ah iyo sida uu wadooyinka ugu noolaa mudo ka hor.
“Dabcan waxaan dareemayaa cadaadis” Ayuu yiri Sanogo.
“Sadex sano ka hor waxaan ku noolaa wadooyinka faransiiska, Maantana waxaan u ciyaaraa Arsenal, waxaan u baahanahay waqti” Ayuu yiri xidig yaraha faransiiska.
“Kaliya waxaan doonayay inaan noqdo ciyaariyahan markaan joogay Auxerre, balse waan dhaawacmay mudo laba sano ah, kadibna Arsenal ayaa i heshay isla markaana isoo qaadatay”
Sidoo kale Yaya Sanogo ayaa haatan ka mid ah liiska xidigaha dhaawaca ka ah kooxda Gunners inkastoo sidoo kale uu doonayo inuu ilkahiisa iska gaabiyo dhawaan.