Home » Maxaa Cusub » Maxaa Ka Jira Wararka Gerard Pique La Xiriirinaya Dib Ugu Laabashada Garoonka Old Trafford?

Maxaa Ka Jira Wararka Gerard Pique La Xiriirinaya Dib Ugu Laabashada Garoonka Old Trafford?


Pique

Sida ay qoreen warbaahinta Ingiriiska Daafaca Barcelona Gerard Pique ayaa laga yabaaa inuu diyaar u noqdo dib ugu laabashada garoonka Old Trafford bishaan January.

Sida la rumeysan yahay Louis Van Gaal ayaa u baahan inuu xoojiyo daafaciisa, waxaana lala xiriirinayaa dhowr difaac oo caan ka ah qaarada yurub, Gerard Pique ayaana ka mid ah liiska uu heysto macalinkaan reer Holland inkastoo sidoo kale Hummels, Indi iyo Otamendi ay ku raad joogaan.

Gerard Pique ayaa kaliya 12-kulan kasoo muuqday Manchester United kulamada horyaalka mudo afar sano ah oo uu ku sugnaa kooxda ka dhisan magaalada Manchester.

27-jirkaan heerka caalami wuxuu dib ugu soo laabtay Barcelona, safka hore ayuuna ka noqday kooxdii uu markaas hayay Pep Guardiola, waxaana haatan soo baxaya warar sheegaya in xidigaan uusan ku qanacsaneen maamulka Luis Enrique.

Si Kastaba ha ahaatee Gerard Pique haatan waxaa lagu qiimeeyaa 20 Malyan Oo Euro, waxaana suuragal ah inuu Old Trafford dib ugu soo laabto inta lagu jiro bishaan January.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>