Kooxda reer Argentina ee Boca Junior ayaa ku warantay iney heshiis la gaartay Carlos Tevez kaas oo sida la filayo ku biiri doona kooxda dalkiisa hooyo marka uu dhamaado xagaagan.
31-jirkaan heerka caalami ayaa si ba’an loola xiriirinayay inuu ku laaban doono dalkiisa, xili heshiiska uu kula jiro Juventus uu kaga haray hal sanadood.
Sida ay qirtay Calciomercato, heshiiska Boca Junior iyo Tevez ayaa ahaa mid horay u dhacay, balse kooxda ka dhisan magaalada Turin uma ogolaan doonto xidigeeda inuu ka hayaamo inta uu kaga dhamaanayo heshiiskiisa.
Carlos Tevez ayaa ka mid ah haatan xidigaha ugu muhiimsan kooxda Juventus, wuxuuna todobaakan u dhaliyay gool ay guul kaga heshay Genoa.
Ugu dambeyntii Tevez haatan waqti fiicana yuu ku heestaa Turin madama uu fure u yahay kooxda uu hogaamiyo Allegri, sidoo kalana waa hogaamiyaha gooldhalinta Serie A-da.