Inkastoo la filayo in dhawaan Eden Hazard uu saxiixo heshiis waqti dheer oo uu Stamford Bridge kusii joogi doono taasoo ka dhigi doonta inuu noqdo xidiga ugu mushaarka badan kooxda Blues madama uu sanadkii qaadan doono 10 Malyan oo Pound Hadana Jose ayaa xidigaan talooyin siiyay.
Mudo 7-bilood ayaa laga joogaa markii ugu dambeysay oo ay xurguf dhexmarto Eden Hazard iyo Jose Mourinho markaas oo labada shaqsi ay hadalo isku mariyeen saxaafadda markii Blues laga soo reebay Semi Finalka Champions League xili ciyaareedkii hore.
Si Kastaba Jose Mourinho ayaa u sheegay Hazard inuu u baahan yahay inuu ku guuleysto Koobab badan si uu u noqdo halyeyga Chelsea.
“Ma garan karo hadii qof uu quuldareynayo inuu noqdo halyey isagoon ku guuleysan Koob” Ayuu yiri Jose Mourinho.
“Waa inuu sidaas sameeyaa, balse qof walba waxa imaan kara wuu ogyahay”
Dhanka kale Jose Mourinho ayaa qiray in Eden Hazard uu heshiis cusub saxiixi doono isla markaana uusan shaki ka qabin in xidigaan uu ka meermeero.
“Kama aanan walwalin taas, tan iyo markii aan la kulmay aabahiis” Ayuu yiri JM.
“Wax walba wey cad yahiin marka la eego sida uu ugu faraxsan yahay joogitaanka Blues”
Ugu dambeyntii Hazard ayaa talo fiican ka helay macalinkiisa inkastoo xidigaan uu hoos u dhac yar muujiyay kulamadii ugu dambeeyay madama uusan muuqaalo fiican muujin.
abdihakim
28-December-2014 at 3:51 pm
hey hazard that is not good man what happened you