Daafaca ahna kabtanka Dortmund Mats Hummels ayaa si ba’an loo hadal hayay inuu isaga tagayo kooxdiisa ka hor intuusan furmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waxaana la filayay inuu midkood Barcelona iyo Man United ku biiri doono, balse ma noqon.
Hummels ayaa go’aan ku gaaray inuu sii joogo kooxdiisa Dortmund, wuxuuna ka dhawaajiyay sababta rasmiga ah ee ka dambeysay inuu go’aankaas qaato.
Macalinka cusub ee kooxda Thomas Tuchel ayaa ku qalqaaliyay Hummels inuu kooxda baaqi kusii ahaado.
“Waxaan yeelanay wadadhadal waqtigii aan ku guda jiray inaan go’aansado mustaqbalkeyga” ayuu u sheegay Hummels Kicker, “Waan jecleystay waxa uu i yiri iyo habka uu ii yiri”
“Wuxuu ii sheegay wax walba oo ku saabsan qaladkeyga”
Sidoo kale Hummels wuxuu qiray inuu ku qancay hadalka macalinkiisa cusub isla markaana wuxuu qiray inuu runta taabsiiyay taasna ay ka dambeysay inuu maankiisa badalo.
Ugu dambeyntii kabtanka Dortmund Hummels baaqi ayuu kusii ahaanayaa Signal Iduna Park isagoo og in kooxdiisa aysan Champions League kasoo muuqan doonin.