Shaqsiyaadka u qaabilsan Manchester United iney magacyada ciyaartoyda funaanada ku daabacaan ayaa galaya qaladaadkoodii ugu badnaa xili ciyaareedkaan iyagoo mar kale qaldan magaca saxiixa cusub ee kooxda Angel Di Maria.
Maaliyada xidigaan uu lagu iibinayo 60 Pound ayaa qalad uu ku yimid iyadoo magaca xidigaan oo ah “Di Maria” loo daabacay “Da Maria” taasoo ka dhigan in xarafka “i” uu ka maqan yahay siyaadana uu ku yahay xarafka “a”.
Sidoo kale kal hore ayey aheyd markii ay qaldeen qaabka daabacaada weeraryahanka reer Colombia Radamel Falcao kaas oo isna si qaldan loo qoray waxaana la is daba mariyay xarfo iyadoo loo qora “Flacao”.