Saxiixa cusub ee Man United Memphis Depay ayaa ka dhawaajiyay sababta rasmiga ah ee ka dambeysay inuu PSG ka doorto kooxda Man United.
Todobaadkii hore kooxda United ayaa 25 Malyan Oo Pound kula heshiisay kooxda PSV Eindhoven ee dalka Holland wuxuuna xidigaan imaanayaa Old Trafford marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
21-jirkaan heerka caalami ee xulka Holland ayaa xaqiijiyay inuu qarka u fuulay ku biiritaanka kooxda PSG balse Louis Van Gaal ayaa ku qalqaaliyay inuu United usoo guuro.
“Dhabtii waxaan ku dhawaaday inaan PSG ku biiro” Ayuu Depay u sheegay Sky Sports News. “Balse markii ugu dambeysay waan ogaa iney United i xiiseyneysay, markii ugu dambeysay waxaan la hadlay Louis Van Gaal”
“Waxey aheyd xaalad adag, balse markaan la hadlay LVG, waxaan nolosheyda u sheegay inaan doonayo aaditaanka Man United” Ayuu yiri.
Ugu dambeyntiina Depay ayaa 22-gool u dhaliyay kooxdiisa horyaalka Holland wuxuuna ka caawiyay iney ku guuleysato xili ciyaareedkaan horyaalka.