Sheeko xiido badan ayuu qoray David McDonnell oo ka tirsan Daily Mirror kadib markii uu shaaca ka qaaday in Manchester United ay soo afjartay saxiixa Nathaniel Clyne.
Isagoo la hadlayay MUTV, ayuu yiri: “Waa sida aan kuu sheegay, heshiiskii waa dhamaaday”
Sida la fahamsan yahay Southampton ayaa wiilkaan ku rabta 17 Malyan Oo Pound, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in heshiiska uu qeyb ka yahay Javier Hernandez oo dhanka kale aadi doona.
Inkastoo arintaan ay tahay mid aysanba soo hadal qaadin labada kooxood ee sheekada quseyso hadana hadal heynta in xidigaan uu ku biirayo United waayahii dambe wey socotay.
Sidoo kale Chelsea ayaa ku jirta loolanka xidigaan David McDonnel ayaana haatan niyada ka jabiyay kooxda Blues madama uu ka dhawaajiyay in Clyne uu ku biirayo Man United.