Daafaca reer Morocco Medhi Benatia ayaa magaciisa suuqa Yurub ka dhex bixiyay madaama uu si rasmi ah u sheegay inuusan kooxdiisa Bayern Munich xagaagan ka hayaami doonin.
Warbixino cusub ayaa dhawaan lagu sheegay in xidigan uusan la qabsanin Bundesligaha Jarmalka sidoo kalena uu doonayo inuu dib ugu laabto Serie A-da Talyaaniga.
Medhi Benatia oo ka hadlaayo mustaqbalkiisa cayaareed wuxuu yiri “Xagaa walbo magaceyga ayaa suuqa Yurub lagu dhex hayaa balse xaqiiqada ayaa ah inaa Bayern Munich meelna uga soconin”
“Qandaraas wanaagsan ayaan Bayern kula jiraa waxaana diyaar u ahay inaan kooxeyda xushmeeyo madaama aan wax walbo Munich ku heesto”
“Waa run xili cayaareedkii dhawaa wuxuu ahaa mid ii dhib badan madaama ay dhaawac I hareeyeen sidoo kalena Barcelona ayaa Semi Finalaha Champion-ka nagu reebtay”
“Balse waxaan doonayaa inaan xili cayaareedka dambe kooxdeyda Bayern guulo muhiim ah la qeebsado sidaa darteed meelna ugama socdo garoonka Allianz Arena”
28-jirkan xagaagii hore Bayern Munich waxay €26 million kaga soo iibsatay naadiga Roma balse haatan kooxda Inter Milan ayaa qal qaalo ugu jirto inay Serie A-da dib ugu soo celiso.