Home » Maxaa Cusub » Memphis Depay: “Manchester United Kuma Faraxsaneen Inaan Ciyaaro Labadii Kulan Ee Ugu Dambeysay Horyaalka”

Memphis Depay: “Manchester United Kuma Faraxsaneen Inaan Ciyaaro Labadii Kulan Ee Ugu Dambeysay Horyaalka”


Depay

Memphis Depay ayaa ka dhawaajiyay in Manchester United aysan ku faraxsaneen inuu ciyaaro labadii kulan ee ugu dambeysay PSV ay horyaalka ciyareysay xagaagan.

21-jirkaan reer Holland ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay xagaagan kooxda Manchester United madama ay labada kooxood xaqiijiyeen iney ku heshiiyeen aduun dhan 27.5 Malyan Oo Euro bilowgii bishii May ee aynu sagootinay maalmo ka hor.

PSV ayaa goor horeysay horyaalka Holland u dabaal dagtay, balse Depay ayaa ku dhameystay gooldhaliyaha ugu sareeya horyaalka madama uu dhaliyay 22-gool, balse United kuma faraxsaneen inuu ciyaaro labadii kulan ee ugu damabeeyay maadama ay ka cabsi qabeen inuu dhaawacmo.

“Dhabtii waxaan doonayay inaan ciyaaro, macalinka arin weyn ma aysan la aheyn, balse PSV iyo Man United kuma aysan faraxsaneen” Ayuu yiri Depay.

“Labadaba waxey doonayeen inaanan ciyaarin sababtoo ah dhaawac bey iiga baqayeen, balse aniga waxaan doonayay inaan kulamada ugu dambeeya goolal dhaliyo si aan u qaato kabta dahabka gooldhalinta waana sameeyay”

Si kastaba Memphis Depay wuxuu dhameestay horyaalka isagoo bad qaba balse arinkaan ayuu daaha ka qaaday maanta isagoo ku muujiyay sida ay United u dooneyso iney uga faa’ideysato.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>