Saxiixa cusub ee kooxda Man United Memphis Depay ayaa si rasmi ah garoonka Old Trafford loogu soo bandhigay.
Xidigan ka tirsna xulka Holland waxay Man United £25million kaga soo iibsatay naadiga PSV bishii June sidoo kalena wuxuu noqday saxiixii ugu horeeyay ee xagaagan United sameyso.
Depay ayaa Old Trafford lagu soo bandhigay wuxuuna markii u horeesay la hadlay saxaafada asigoo cayaaryahan Man United ah.
Depay wuxuu yiri “Aadban ugu faraxsanahay imaan shaha halkan sharaf weyn ayay ii tahay inaan Man United ka mid noqdo”
“Balse shaqadeydaa waa inaan goola dhaliyaa sidoo kalena waa qasab inaan Man United koobab muhiim ah kula guuleesto”
Depay markii saxaafada loo soo bandhigaayay waxaa garab taagnaa macalinkiisa Luis Van Gaal oo xidigan talo ku filan siiyay.
Wuxuuna yiri “Depay waxaa laga rabaa inuu nolosha kubada England la qabsado sidoo kalena waxaa laga rabaa inuu xidigaha kooxdiisa si dhaqsi ah ula qabsado”
“Memphis waa xidig dhalin yar balse hormar wanaagsan sameeyay waxaana ku kalsoonahay inuu Man United wax badan ka caawin karo”
Depay ayaa lagu wadaa inuu kooxdiisa Man United isniinta ula amba baxo Waqooyiga Ameerika oo ay safar cayaareed ku aadi doonto.