Home » Maxaa Cusub » Memphis Depay Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Kooxda Bayern Munich Iska Diiday Ka Hor Inta Uusan Man United Dooranin!

Memphis Depay Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Kooxda Bayern Munich Iska Diiday Ka Hor Inta Uusan Man United Dooranin!


Memphis-Depay1

Weeraryahanka reer Holland Memphis Depay ee dhawaan kooxda Man United saxaafada usoo bandhigay lana filaayo inuu xili cayaareedka cusub garoonka Old Trafford ka dhex muuqdo ayaa sir culus daaha ka qaaday.

Memphis Depay ayaa sheegay inuu dalab wanaagsan ka helay kooxda Bayern Munich markii uu naadiga PSV ka tirsanaa balse uu iska diiday dalabka kooxda reer Jarmal.

Wuxuuna xidigan dhalinta yar Bayern ka doorbiday kooxda Man United madaama uu xiiso u qabo la shaqeynta macalin Luis Van Gaal.

Memphis Depay oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Waxaa jireen wada hadalo noo socdeen qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu wanaagsan waxaana ka mid ahayd Bayern Munich”

“Balse markii dambe Man United ayaan doortay madaama aan isla hadalnay macalin Luis Van Gaal sidoo kalena wuxuu igu qanciyay inaan Man United usoo dhaqaaqo”

“Bayern waxaa joogo mid ka mid ah macalimiinta caalamka ugu wanaagsan Pep Guardiola balse macalin Luis Van Gaal ayaan ka helay dareen ah inaan muhiim ka noqon doono Man United”

21-jirkan ayaa lagu wadaa inuu weerarka Man United hogaamiyo asiga Wayne Rooney madaama uu kalsooni balaaran ka heesto tababaraha waaya araga ah Van Gaal.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>