Laba gool oo ka timid Klaas Jan Huntelaar iyo gool ka yimid Memphis Depay ayaa xulkii Holland ee martida loo ahaa hogaanka u dhiibay balse wiilasha Jurgen Klinsmann ee Mareykanka si layaab leh ayey dhamaadkii ciyaarta dib ugu soo rogaal celiyeen iyagoo 3-4 ku garaacay dhigooda.
Kulanka wuxuu ahaa mid xiiso gaar ah leh wuxuuna ka qabsoomay magaalada Amsterdam iyadoo wiilasha Jurgen Klinsmann ay marti ahaayeen.
Klaas Jan Huntelaar ayaa bilaabay bandhiga goolasha Holland daqiiqadii 27-aad ee ciyaarta, balse Gyasi Zardes ayaa barbaro u keenay xulka mareykanka daqiiqadii 34-aad ee ciyaarta.
Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 1-1, balse bilowgii qeybtii labaad Huntelaar ayaa mar kale shabaqa gaaray, waxaana afar daqiiqo kadib hogaanka u dheereyay Holland Memphis Depay oo ah saxiixa cusub ee Man United daqiiqadii 53-aad.
John Brooks ayaa rajo galiyay Mareykanka daqiiqadii 71-aad ee ciyaarta madama uu dhaliyay goolkoioda labaad, waxaase barbaro keenay daqiiqadii 89-aad Daniel Williams.
Waqtigii dhimashada ee ciyaarta ayeyna heleen wiilasha mareykanka goolkii guusha iyagoo kaga mahad celinaya Bobby Shou Wood.
Guus Hiddink ayaana waqti xun u horseedaya xulka Holland tan iyo koobkii Aduunka ee ay kaalinta sadexaad galeen.
Ugu dambeyntii Holland uma muuqato koox wanaagsan waxeyna kaalinta sadexaad sidoo kale kaga jiraan kala sareynta groupka A ee isreeb-reebka Euro 2016.