Home » Maxaa Cusub » Memphis Depay “Waxaan Noqon Karaa Ronaldaha Cusub Ee Man United Guulo Gaarsiin Karo”

Memphis Depay “Waxaan Noqon Karaa Ronaldaha Cusub Ee Man United Guulo Gaarsiin Karo”


Depay

Xidiga reer Holland Memphis Depay oo dhawaan heshiis rasmi ah la gaaray kooxda Man United ayaa isku kalsoon inuu garoonka Old Trafford wacdaro ka dhigi karo.

Depay oo haatan macsalaameenayo kooxdiisa PSV iyo horyaalka Holland ayaa laga filaa inuu xili cayaareedka dambe Man United ka dhex muuqdo marba hadii uu dooqa macalin Van Gaal xidigan yahay.

Depay oo rabo inuu niyada ka dago taageerayaasha Man United wuxuu yiri “Waxaan maqlay marar badan ayadoo ay dadka ila bar bar dhigayaan Cristiano Ronaldo markii uu dhalinta yaraa”

“Waa arin wanaagsan anigoo 21-jir ah in hidaha Ronaldo la eyga dhex arko waxaana ku rajo weynahay inaan kubada ka gaaro heerka uu Ronaldo ka gaaray”

“Qaab ahaan isku kubad ayaan cayaarnaa balse aniga wuxuu ii yahay laacib aan ku deydo marwalbo”

“Waxaan noqon karaa Ronaldaha cusub ee Man United kaasi oo guulo gaarsiin karo mustaqbalka dhow ama midka fog”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Memphis Depay “Waxaan Noqon Karaa Ronaldaha Cusub Ee Man United Guulo Gaarsiin Karo”

  1. ahmed saed Reply

    13-May-2015 at 10:46 pm

    Memphis depay waa CR7 ka cusub ee mutd

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>