Home » Maxaa Cusub » Merseyside: Everton Iyo Liverpool Oo Isku Garab Dhaceen Kulan Xiiso Gaar Ah Lahaa

Merseyside: Everton Iyo Liverpool Oo Isku Garab Dhaceen Kulan Xiiso Gaar Ah Lahaa


epl

Kulankii Merseyside Derby ayaa kusoo idlaaday bar bar dhac madaama Everton iyo Liverpool waxka iska qaadi waayeen.

Cayaartan xiisaha badan ee ka dhacday garoonka Godisan Park waxayna kusoo idlaatay 0-0 madaama labadan naadi wax gool ah iska dhalin waayeen inkastoo Liverpool cayaartan fursado badan sameesay.

Labadan naadi qaybtii hore kubad aad u adag ayay wada cayaareen halka ay kooxda Liverpool inta badan heesatay kubada sidoo kalena Everton iyadana qaab difaac adag ayay cayaartay.

Balse wiilka dhalinta yar Jordon Ibe ayaa kulankan wacdaro ka dhigay qaybtii horena wuxuuna muujiyay in kulankan adag uu xamili karo.

Liverpool waxaa ka dhaawacmay Lucas oo daqiiqadii 16-aad lagu badalay Joe Allen.

Lucas goes off for Liverpool

Ibe ayaa nasiino u diiday daafaca Everton qaybtii hore wuxuuna sameeyay dadaal aad u weyn asigoo laad xoogan qoriga Everton ku dhuftay daqiiqadii 27-aad sidoo kalena xidigan dhalin yar fursad wanaagsan ayaa laga celiyay isla qaybtii hore.

Kabtan Gerrard ayaa isagana isku dayay inuu dhaliyo laad xor ah balse goolhayaha Everton ayaa kubada ka bad baadiyay.

Liverpool youngster Jordon Ibe

Qaybtii hore ayaa kusoo idlaaday xaalad aad u kacsan madaama cayaarta marnaba istaagin waxaana lagu kala nastay 0-0.

Markii la isku soo laabtay Liverpool weerarkeedii ayay sii waday balse uma suura galin inay daafaca Everton jebiso weliba waxaa amaan gaar ah kulankan muteestay ruug cadaa Jagielka oo weeraryahanada Liverpool kubado badan ka celiyay.

Daniel Sturridge replaces Philippe Coutinho

Daniel Sturridge oo daqiiqadii 56-aad badalay Coutinho ayaa cadaadiska kooxda Everton kusii kordhiyay wuxuuna xidigan u suura galiyay xidigaha Liverpool inay kubada isku dhiib dhiibaan.

Macalin Rodgers asigoo gool raadis ah wuxuu qaybihii dambe ee kulankan badal kusoo galiyay Rickie Lambert oo lagu badalay Sterling daqiiqadii 82-aad.

Kooxda Everton ayaa ku sigatay inay hesho goolkii ay u baahneed daqiiqadii 87-aad kadib markii ay heleen kubad weerar celis ah waxaana fursad qaaliga ah qasaariyay Coleman inkastoo uu laad xoogan goosha Liverpool la helay hadana goolhaye Mignolet ayaa bad baadiyay.

Kabtan Gerrard ayaa isagana u jawaabay kooxda Everton isla daqiiqadii 88-aad wuxuuna helay fursad wanaagsan inkastoo uu laad xoogan riday hadana kubada banaanka ayay ka martay.

Inkastoo kulankan 3-daqiiqo lagu daray hadana labadan koox waxay awoodi waayeen inay wax gool ah iska dhaliyeen waxayna cayaartan kusoo idlaatay 0-0.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool baaqi kusii ahaan doonto kaalinta 7-aad halka kooxda Everton iyadana ku jirto kaalinta 12-aad.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>