Home » Maxaa Cusub » Merson Iyo Thompson Oo Ku Kala Aragti Duwan Shax Isku Dhaf Ah Oo Ay Ka Sameeyeen Kulanka Chelsea vs Man United

Merson Iyo Thompson Oo Ku Kala Aragti Duwan Shax Isku Dhaf Ah Oo Ay Ka Sameeyeen Kulanka Chelsea vs Man United


Merson and Thompson

Ka Hor kulanka ugu weyn todobaadkaan horyaalada yurub ee dhexmari doona kooxaha Chelsea iyo Man United labada qabiir ee ka wada tirsan Sky Sports Paul Merson iyo Phil Thompson ayaa ku kala aragti duwanaaday shax isku dhaf ah oo ay ka diyaariyeen kulankaan.

Farqi weyn uma dhaxeeyo labadaan qabiir, tiro isku mid ah ayey kasoo qaateen labada kooxood, balse waxaad moodaa in hal ciyaariyahan ay isku waafaqi waayeen iyo in sidoo kale ay shaxda isku qilaafeen.

Paul Merson ayaa shaxdiisa u doortay qaab ciyaareedka ah: 4-2-3-1: wuxuuna weerarka u doortay kaliya Wayne Rooney, isagoo Man United kasoo xulay Carrick, Young, Rooney iyo De Gea halka Chelsea uu kasoo xulay: Fabregas, Matic, Hazard, Cahill, Terry, Azpilicueta iyo Ivanovic.

Merson

Merson ayaa u sheegay Sky Sports: “waan jeclaan lahaa inaan shaxdeyda kusoo daro Courtios, balse marka la fiiriyo waxqabadka xili ciyaareedka sideen kaga tagaa David De Gea?”

“Sidoo kale kama tageen ciyaartoyda Man United ee daafaca dambe balse marka lala barbardhigo kuwa Chelsea wax dhibaato ah kuma sugneen dhamaan xili ciyaareedka”

“Waxaan doortay Carrick iyo Matic, ka hor intaan sadex weerar gal ah ka hormarin, Hazard iyo Young ayaan labada dhinac dhigay, sidoo kalana Fabregas ayaan ka hormariyay Rooney”

Dhanka kale Phil Thompson ayaa ka qaab ciyaareed duwan Paul Merson wuxuuna ciyaaray shaxda ah: 4-4-2, isagoo weerarka ka wada ciyaarsiiyay Diego Costa iyo Rooney.

Iskuma aysan qilaafin iney United ka doortaan afar ciyaartoy kaliya: Young, Carrick, Rooney iyo De Gea, balse waxey isku qilaafeen xidigaha laga soo xushay Chelsea, Costa ayuu xushay Phil halak Paul uu xushay Fabregas.

Thompson

Phil Thompson ayaa isna la hadlay Sky Sports: “Afarta daafac ee dambe ee Chelsea ma ahan kuwo laga tagi karo waana kuwo ka adag kuwa United marka la fiiriyo waxqabadka xagaagan”

“Marka sida dhabta ah loo wajaho daafaca United, kaliya David De Gea ayaa ah kan ugu wanaagsan, daafaca United waxaa laga xusi karaa Smalling iyo Jones balse qaladaadkooda ayaa badan”

Ugu dambeyntii Chelsea ayaa 7-xidig ku yeelatay shaxdaan ay sida kala duwan u doorteen Phil Thompson iyo Paul Merson oo ka wada tirsan Sky Sports, United ayaana ku yeelatay Afar xidig.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>