Xusuusta kulanka Arsenal & Man United ee hore ayaa ku xasusineysa xifaaltamayaashii dagaalka badnaa Roy Keane iyo Patric Vieira inkastoo uusan meesha ka marneyn taxliilka haatan u shaqeeya Daily Mail ee Martin Keown kaas oo daafaca dhexe kaga ciyaari jiray Gunners.
Inkastoo xusuustii dambe ay murugo u tahay kooxda Gunners madama ay noqdeen dhibanayaal u duleysan Man United iyadoo jamaahiirta Gunners aysanba jecleen wajaha Manchester marka aad fiiriso shucuurtooda. Hadaba hadii uu meesha ka baxay Sir Alex Ferguson wali isma badalin in United ay ka badiso Arsenal, inkastoo haatan wajigii hore mid ka duwan uu jiro isla markaana hub aruursi badan la galay, Van Gaal oo shaqada EPl-ka ay ku cusub tahay oo ay lasii xiriiraan dhaawacyada viruska FIFA, kuwaas oo la dagay United xidigaheeda inta badan.
Si Kastaba Shan isku dhac ayaa laga soo calaameeyay kulankaan walow aan lagu soo darin wiilka dheereya ee Angel Di Maria.
Jack Wilshere v Marouane Fellaini
Wiilka u nugul dhaawaca ee Xulka England Jack Wilshere ayaa laga doonayaa inuu dagaal la galo arxan laawaha reer Belgium Marouane Fellaini kaas oo inta badan ku mashquula inuu dhibaateeyo xidigaha kasoo horjeeda. Wilshere wuxuu dhaqaajiye fiican u yahay Gunners walow ay dhexda isku heli doonaan Fellaini oo xili ciyaareedkaan boorka iska jafay kana mid noqday safka hore ee Van Gaal.
Alexis Sanchez v Chris Smalling
Waa u naxdin in jamaahiirta United ay maqlaan iswajaha Smalling iyo Sanchez kuwaas oo la ogyahay heerarka ay kala joogaan iyadoo wiilka reer Chile uu 12-gool u dhaliyay kooxdiisa 14-kulan oo uu ciyaaray wuxuuna ku jiraa waqtigiisii ugu fiicnaa kubada cagta. balse Smalling ayuu wajahi doonaa kaas oo la filayo inuu daafaca dhexe ee Manchester kasoo ciyaaro kulankaan, xili xidigaan uu balan qaaday inuusan sameyn doonin foolxumadii uu sameeyay kulankii City.
Danny Welbeck v Michael Carrick
Aqoon dheeraad ah loogama baahna midkoodna inuu midka kale celiyo ama gudbo madama ay waqti badan ku wada sugnaayeen Old Trafford, Welbeck ayaana ka guuray xagaagan United isagoo ku biiray Gunners, 10-gool ayuuna dhaliyay xagaagan kulamadii uu u ciyaaray xulkiisa iyo kooxdiisa. Wuxuu doonayaa wiilkaan inuu Man United baro shaqsiyadiisa waxaana uu wajahayaa halyeeygii hore Spurs Carrick kaas oo mudo ku gaamuray Old Trafford.
Per Mertesacker v Wayne Rooney
Kabtanka labaad ee kooxda Gunners Per Mertesacker waa inuu celiyo Wayne Rooney si ay uga badbaadaan qatarta in badan oo Man United kaga imaan laheyd, ogowna in xidigaan reer England uu kaliya 1-gool raadinayo si uu rikoorka xidiga goolasha ugu badan ka dhaliyay ugula biiro Robbie Fowler kaas oo dhaliyay 10-gool, Rooney haatan waa hogaamiyaha United, wuxuuna doonayaa inuu doorkiisa ku muujiyo halka Mertesacker uu isna doonayo inuu meel iska saaro, waxaana meesha ka marneyn in caawiyihii Mertesacker Koscielny aan la hubin waqtiga uu garoomada kusoo laaban doono.
Louis Van Gaal v Arsene Wenger
Ugu dambeyntii waxaa lasoo calaamadiyay labada macalin ee hogaanka u kala ah labada kooxood walow aqoonta EPL-ka lakala sareyo hadana qibrada guud ee macalinimana ay meesha ku jirto, Wenger badi waxaa lagu dhaliilaa inuusan ka firisan badalada amaba uu mararka qaar dilo ciyaar ay hogaankeeda hayaan, balse la arki doonee wuxuu falo kulanka Emirates caawa ka dhici doona, xili awooda Van Gaal ee United aan lakala cadeyn karin madama marmarsiyadu ay tahay iney badi ciyaartoydiisa dhaawac ka yahiin.
yaxye
November 22, 2014 at 9:18 am
waa laga fiicanyahay in aad koox ku tageerto warka adooo qoraa ah
Abdi Arsenali
November 22, 2014 at 12:24 pm
kkkkkkkkkkk
waa habeen aan sugaayey in ay is arkaan kooxdeyda Arsenal & kooxda aan ugu necbahay aduunka ee shayaadiinta cascas
caawa 20:30 markeytahay saacada waxa rabaa inan barno women united what was Arsenal are in 2004 b4 10 yrs ago & now we need like that way to be ever!
Viiiiiiiiiiiiva Arsenal
result: Arsenal 2-0 women united!!!!