Home » Horyaalada » La Liga Spain » Messi & Neymar Oo Seegaya Kulamada Ay Barcelona Ku Ciyaareyso Dalka Mareykanka, Yaa Kale Oo Maqan?

Messi & Neymar Oo Seegaya Kulamada Ay Barcelona Ku Ciyaareyso Dalka Mareykanka, Yaa Kale Oo Maqan?


Messi

Lionel Messi iyo Neymar JR ayaan soo xaadirin Barcelona taasna waxey la micno tahay iney seegayaan kulamada ay kooxdaan ku ciyaareyso dalka mareykanka waxeyna wali ku maqan yahiin fasax madama ay ka qeyb galeen Copa America oo horaantii July lasoo afjaray.

Kooxda ku guuleysatay koobka horyaalada Yurub ayaa ka qeyb galeysa koobka International Championship Cup waxeyna kulamo la yeelaneysaa LA Galaxy, Man United iyo Chelsea.

Sidoo kale Javier Mascherano, Claudio Bravo iyo Dani Alves ayaa iyaguna seegaya kulamadaan madama ay Copa America qeyb ka noqdeen.

Luis Enrique xidigahiisa 24-ka ah kama mid ah ciyaartoyda ka qeyb gashay Copa America, balse waxaa lagu daray Arda Turan iyo Aleix Vidal oo dhawaan kooxda kusoo biiray.

Labadaan xidig ee Vidal iyo Turan kama qeyb qaadan karaan kulamadaan, madama ganaaxii saarnaa Barcelona ee dhanka suuqa uusan wali dhamaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>