Halyeeygii hore xulka Brazil Pele ayaa ku sugan dalka Ingiriiska gaar ahaan gobolka Merseyside, wuxuuna marti ku ahaan doonaa kulanka Axada dhexmari doona kooxaha Man United iyo Liverpool.
Pele oo wareysi siinayay goal.com, ayaa kala doortay xidigaha ugu wanaagsan dunida Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, bal xidiga uu ku darsan lahaa kooxdiisa.
Sidoo kale hadalka Pele ayaa kusoo aaday xili labadaan xidig ay isku wajahi doonaan Camp Nou kulanka El-Clasico ee dhexmara kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.
“Waxey ila tahay CR7 inuu shabaho Ronaldo wax badan oo qaabkiiisa ah”
“Waxaan dooran lahaa Messi, balse labada xidig waa kuwo fantastic ah” ayuu yiri Pele.
“Waxey ciyaaraan kubad kala duwan, balse koox ahaan Messi ayaan dooran lahaa, kaas oo bixiyay caawinaad badan, halka Ronaldo sheekadiisu ay tahay gooldhalin”
74-jirkaan reer Brazil ayaa ah shaqsi lagu qiimeeyo kubada cagta wuxuuna sidoo kale aaminsan yahay in Neymar uu noqon doona xidiga badali doona Messi iyo Ronaldo.