Kubad sameeye Mesut Ozil marwalbo bandhigiisa kooxda Arsenal fiiro gaar ah ayaa lagu hayaa, inkatsoo xidigan marwalbo dadaal dheeri ah sameeyo.
Hadana guuldaradii Arsenal tartanka Champion-ka kala kulantay naadiga Monaco wuxuu Ozil la kulmay dhaliil weyn madaama lagu tilmaamay laacib iska dhex taagnaa garoonka oo aan orod badan sameynin.
Hadaba Telegraph ayaa soo bandhigy xog xasaasi ah taasi oo tilmaameyso laga soo bilaabo bilawgii bishii Febraayo ilaa haatan in Ozil uu yahay cayaaryahanka ugu orodka badan Arsenal isku darka dhamaan kulamada kala duwan.
26-jirkan ayaa warbixintan lagu sheegay in dhul ahaan uu ku orday 63.24km dhamaan kulamadii ugu dambeeyay ee Arsenal cayaartay.
Arinkan ayaa muujineyso in Ozil uu bilihii ugu dambeeyay la yimid orod dheeri ah sidoo kalena uu kubada soo wado gool ka gool.
Santi Cazorla ayaa kusoo xigo isagana masaafo ahaan wuxuu jaray bishii Febraayo ilaa 62.24km halka xidiga la amaanay Francis Coquelin oo isagana orday masaafo dhan 61.24km bishii Febraayo.
Kaalinta 4-aad xidigaha ugu orodka badan Arsenal bishii aan kasoo gudubnay waxaa ku jiro Hector Bellerin oo isagana orday 54.24km.