Kubad sameeyaha xulka Jarmalka iyo kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaa ku qoraxeysanaya waqooyiga Magaalada London ka hor kulanka darbiga ah ee ay Old Trafford ku booqan doonaan kooxda Man United.
Arsenal ayaa guuldaro 1-0 ah kala kulantay Swansea City isniintii, waxeyna aheyd guuldaradii ugu horeysay oo Mesut Ozil uu ku gudoomo garoonka Emirates tan iyo markii Real Madrid kaga soo biiray July 2013.
Ma Dhicin in Arsenal guuldaro la huwiyo kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska oo uu xaadir yahay Mesut Ozil isla markaana ka dhacay Emirates.
Xidiga heysta koobka Aduunka ayaa doonaya in kooxdiisa ay soo rogaal celiso isla markaana ay xagaagan ku dhameysato booska labaad ee horyaalka.
Sidoo kale Arsenal waxey guul gaartay 15-kulan, 19-kulan oo uu saftay dhamaan tartamada oo dhan Mesut Ozil tan iyo markii uu kasoo kabtay dhaawac dhanka jilibka ah bishii January.
Ugu dambeyntii Arsenal waxey u baahi qabtaa guul si ay u adkeysato booskeeda labaad ee horyaalka iyadoo gacanta ku heysata kulan baaqi ah oo ayu Arbacada la yeelan doonto Sunderland.
abuukar abdi
14-May-2015 at 8:05 pm
waaw waaw Ozil waaaaa ku guulaysanayaaa boos ka labaad Insha allah