Kadib markii uu xulka Jarmalka ka caawiyay xagaagii hore inay ku guuleestaa koobka aduunka markii 4-aad Mesut Ozil ayaa ka dhawaajiyay inuu haatan yahay cayaaryahan ku guuleesan karo abaal marinta FIFA Ballon d’Or.
Inkastoo abaal marinta Ballon d’Or ay 7-sano ee ugu dambeesay qaybsadeen Lionel Messi (4-jeer) iyo Cristiano Ronaldo (3-jeer) hadana Ozil ayaa ka dhawaajiyay inuu isagana markiisa ku guuleesan karo biladan qaaliga ah.
“Hadii aan hormar joogto ah sameeyo sidoo kalena aan helo caafimaad waxaan jeclaan lahaa sanadaha dambe inaan ku guuleesan karo Ballon d’Or”
“Waan ku kalsoonahay inay midaas dhici karto waayo haatan waan qanacsanahay madaama aan horyaalka aduunka ku guuleestay”
“Sidoo kale horyaalka aduunka ugu fiican Premiership-ka ayaan ka cayaaraa waxaana hubaa in maalin un aduunyada ka yaabin karo hadii aan dada joogto ah sameeyo”
“Horyaalka England waa mid u baahan awood iyo karto wuuna ka duwan yahay Bundesliga iyo La Liga haataa waan la qabsaday kubada adag inkastoo aan dhibaato badan kasoo gudbay”