Home » Maxaa Cusub » METRO: Arsenal Oo Soo Rogaal Celisay Xiisahii Ay U Qabtay Daafaca Valencia Jose Luis Gaya

METRO: Arsenal Oo Soo Rogaal Celisay Xiisahii Ay U Qabtay Daafaca Valencia Jose Luis Gaya


Jose Luis Gaya

Arsenal ayaa war fiican ka heshay dalka Spain kadib markii xidigii ay indhaha ku heysay uu diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa.

Arsenal ayaa si ba’an u dooneysay Jose Luis Gaya, balse kooxdiisa Valencia ayaa Gunnes u sheegtay ineysan dooneyn iibka xidigaan isla markaana ay heshiis cusub ka saxiixeyso waxeyna aheyd bishii January.

Balse war farxad leh ayaa kusoo dhacay dhagaha Arsenal kaas oo sheegaya in GAYA uu diiday heshiis cusub oo ay usoo bandhigtay kooxdiisa.

Arsene Wenger ayaa xushmad fiican u haya 19-jirkaan reer Spain ee aadka uga soo shaac baxay horyaalak La Liga xili ciyaaredkaan.

Sida ay qireyso Metro, Jose Luis Gaya waxaa lagu qiimeeyaa 14 Malyan Oo Pound, waxaana suuragal ah inuu Arsenal kusoo biiro marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>