Home » Maxaa Cusub » Metro: Kooxda Liverpool Oo La Xiriirtay Yaya Toure, Xili Manchester City Ay Dooneyso Raheem Sterling

Metro: Kooxda Liverpool Oo La Xiriirtay Yaya Toure, Xili Manchester City Ay Dooneyso Raheem Sterling


Yaya

Wargeska The Metro ayaa sheegay in kooxda Liverpool ay diyaar u tahay inay ka samarto xidiga dhalinta yar Raheem Sterling sidoo kalena ay xagaagan lasoo saxiixato ruug cadaa Yaya Toure.

Kooxda Reds ayaa qorsheeneyso inay maal maha nagu soo fool leh dhigeeda Man City wada hadalo la furto waxayna kala hadli doontaa qaabkii Yaya Toure looga iibin lahaa.

Sidoo kale Man City dhankeeda diyaar ayay u tahay inay Liverpool xiriir wanaagsan la sameyso madaama ay xagaagan dooneyso in Raheem Sterling laga iibiyo.

Macalin Brendan Rodgers ayaa maamulka Liverpool ka dalbaday in Yaya Toure oo 32-jir ah loo soo gacan galiyo madaama uu yahay xidigan laacib waaya arag.

Sidoo kale Yaya Toure waxaa ku raad joogaan saxiixiisa kooxaha Inter Milan iyo PSG balse Metro ayaa sheegay in 70% haatan xidigan uu ku dhawaanayo ku biiritaanka kooxda Liverpool.

Dhanka kale Telegraph ayaa sheegay in Man City ay saxiixa Raheem Sterling ugu tala gashay £40m sidoo kalena ay 20-jirkan lasoo saxiixan doonto marka ay Liverpool ku wareejiso Yaya Toure.

Raheem Sterling ayaa ka diiday kooxdiisa Liverpool heshiis cusub wuxuuna diyaar u yahay inuu xagaagan garoonka Anfield isaga hayaamo wax walbo oo ay ku qaadato.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>