Man United oo aan wali quusan ayaa miiska u saareysa Madrid aduun dhan 45 Malyan Oo Pound si ay uga hesho garabka reer Wales Gareth Bale.
Metro ayaa shaacisay in kooxda United ay wadahadalo la fureyso Madrid, balse kooxda Real goor hore ayey soo diiday dalab kaga yimid Man United oo ku aadan xidigii hore Spurs.
Sida la rajeynayo Chicharito, Robin Van Persie iyo Falcao ayaa ka dhaqaaqi doona Old Trafford sidaas darteed Van Gaal ayaa aaminsan in loo baahan yahay xidig weerarka ka ciyaara.
Buuqa aan wali dhamaan ee hareeyay mustaqbalka Bale oo ay hormuud u yahiin Jamaahiirta Madrid ayaa sababi kara in xidigaan uu go’aansado inuu ka dhaqaaqo Bernabeu.
Robin Van Persie waxaa lala xiriirinayaa kooxda Fenerbahce ee dalka Turkey-ga halka Chicharito laga iibin doono koox walba oo dooneysa.
Ugu dambeyntii Bale waa xidiga ugu qaalisan haatan kubada cagta isagoo July 2013, kaga biiray Madrid kooxda Spurs wuxuuna halkaas ku tagay aduun dhan 86 Malyan Oo Pound.