Kubad sameeyaha kooxda Manchester United Michael Carrick ayaa laga saaray xulka England kadib markii uu lasoo gudboonaaday dhaawac dhanka gumaarka ah.
Sida ay xaqiijiyeen xiriirka FA-ga Ingiriiska Carrick wuxuu dib ugu laabanayaa kooxdiisa Manchester United kadib markii uu dhawaacan soo gaaray xili uu tababar la sameynayay xulka England arbacadii.
Michael Carrick wuxuu seegi doonaa kulanka isreeb-reebka yurub ee ay sabtida la ciyaari doonaan Slovenia iyo kulanka saaxiibtinimo ee Scotland, inkastoo wali xiriirka FA-ga aysan magacaabin shaqsigii badali lahaa.
Markii ugu dambeysay oo Carrick uu kasoo muuqdo xulka England waxey aheyd sanad ka hor xili ay England wajahday Poland kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka.